Poems

Xaqa suxufiga

Xaqa suxufigee lumay
Xabaalaha kan lagu guray
Xasuuqaan la dabarjaray
Xorriyaddaan la siinayn,
Xaashidey ku taallee
Ku xariiqantay sheeg?
 
Suxufiga in lagu xidho
Xabsiyada dambiilaha
Xabbad lagu dilaacshoo
Xuquuqdood la duudsiyo
Xaqdhawr aan la siinayn,
Xaashiday ku taallee
Ku xariiiqantay sheeg!
 
Xaqdarradan dillaacdee
Xamastiyo carruuraha
Lagu xiiray maatada
Xaawaleey la dabarjaray
Xamar haw darnaatee
Haddii ay xog sheegeen,
Maxaa loo xasuuqoo,
Tolow loo xidhxidhayaa?
 
Ninka xadhigga miiqee
Xumaatada ku noolee
Xasillooni diid iyo
Tuuggaa wax xadayee,
Xabbadaha ridaayow!
Xisaab baa ku daba taal.
 
Waxba yaanan xiiqinoo
Ku xabeebsan hadalkee
Soomaalaan xurmeeyn iyo
Xushmad ruuxna siinoo
Xabaalaha ku faantoo
Xooggeeda aastoo
Xinjiraa ka dhuratoo
Xuurteeysa geesiga.
 
Xeerka dunida kuwa qoray
Sida ay xaqiijeen
Saddex baan xumaan geyin:
 
Suxufigu xor weeyaan
Xaqay noo iftiinshaan
Nabadday xasiliyaan
Xaasidkay la diriraan.
 
Markay xaajo dhabaqdee
Xarbi laysku qaadee
Rasaas xaami dhacayso
Xiinka roob la moodaa,
Xag kastaba ka yeedhee,
Meydku uu xad-dhaafee
Xisaab beelo dhaawacu
Naftu xanaf wareertee
Xusulduubto orodkee
Xammil joogi waydana,
Suxufigays ku xooroo
Xayndaabka jiidhoo
Warka soo xaqiijoo
Xuduud malaha celisoo
Xadku waa u furanyahay
Ma geyaan xumaatoo,
Suxufigu xor weeyaan.
 
Afartaa nin xiisoo
Ku xadreeyey jiifkoo
Xuskiisii kursigu galay,
Isagoo xilkii sida
Xiddigana ku taxan yiin
Ku riyooday xalay baa
Markuu waagii xaytamay
Xawaarii ka toosoo
Xaadhxaadhay boodhkii.
 
Marka ay xantiisiyo
Xam-xamtiisa heegaan,
Waa xeedho madhan oo
Ka xaalufa wanaaggoo
Xaajo kale ma keenee,
Inta uu xanaaqoo
Xawlalladu kacaan buu
Xannibaa wargeysyada.
 
Fannaan xiiso badanoo
Xarakeeya luuqdoo
Ku xeeldheer garaacoo
Xilli kasta diyaaroo
Xubbigiyo kalgacalkiyo
Xasuustii fogaatiyo
Xoorkii idiin shuba.
 
Marka ay xannibantee
Taladu ay xayirantee
Xagaldaaca keentana
Fannaankaa u xaytoo
Ka dillaacsha xuubkoo
Xantoobsada dhibaatada
Oo ma geyaan xumaatada.
 
Xilkas weeye gaaroo
Xigmad Eebbe siiyoo
Murti Xaakim barayoo
Waa xeelad gaaroo
Xidid weeye hoosoo
Xananaaya ciiddoo
La xarbiya gumeystaha;
Marna xabagbarsheed iyo
Xareed roobku shubay iyo
Xayskiyo gugii iyo
Dayrtoo xab bururtoo
Xooluhu dhaleenoo
Xasillooni nabad iyo
Xamdi Eebbe lagu jiro.
 
Waxa xaraf ku muujee
Taariikh ku xaydee
Ku xardhaaya suugaan
Xashaa lillaahiye,
Xeerbeegti weeyoo,
Abwaankaan xumaan geyin.
 
 
London, 2008